Noqo qof hal abuurkiisa soo bandhiga xiliga loo baahan yahay

Qof walba oo dunidan saaran waxa uu leeyahay hal abuur uu dadka kale dheer yahay , hal abuur uu si gaar ah u leeyaahy taas oo keeneysa inuu dadka ka dhex muuqdo markey timaado problem ama dhibaato , laakiinse badanka dadka ma soo bandhigaan , sababtana waa inay cabsi ku jirto .

maanta ayaad ka xuroobi doontaa hubal sidaada hore ma ahaan doontid , khibrada ayaa hadasha xiliyada hormarka , dadkana way dhegeystaan , hadaba i dhageyso aan kula wadaagee .

marka hore , isweydii maxaad ku fiican tahay, kadib xooga saar oo baro , kadib soo bandhig , maantana way fududahay inaad soo bandhigto hal abuurkaaga , sababtoo ah hal abuurka waxa uu ka bilowdaa hami iyo aqoon , maadaama aad aqoontii leedahay maanta waa maalinta ugu fiican aad soo bandhigi laheed .

Ogow arinkan : Ma jiro waqti munaaasab ah .

sida acadiga ah qofka bini aadamka waxa u u maleeyaa in waqtiga saxda imaan doono , laakiin ma yimaado waqti sax ah ilaa laga sameeyo ama la hirgeliyo mooyee , mana jiro waxa la dhaho waqtiga saxda ah taas maskaxda gasho si ay marmarsiyada kaa dhamaato . 

Ku soo bandhig meelaha aad u aragtid inay ku fiican tahay .

Marka la joogo hal abuur soo bandhigista waxaa muhiim ah inaan ogaano sidee loo soo bandhigaa ? 
hadaba si aan ugu jawaabno suaashaas aan tusaale soo qaadano , : '' waxaa tahay qof yaqaana oo soo bartay graphic design-ka iyo naqshadeynta '' 

Kow : isweydii yaa u baahan hal abuurkeyga jawaabta waxay noqoneysaa shirkadaha , dadka bageska leh , dadka wax soo gudbiya ee kusoo gudbiya social mediyaha , si aad usoo bandhigto waxaa kugula gudboon inaad furato akoon , aad ka furato meelaha u badan yihiin dadkaas aan soo sheefnay , hana hilmaamin deegaanka inaad xooga social mediyaha platform-ka ay aad ugu xuran yihin , tusaale soomaalida waxay aad u isticmaalaan facebook,tiktok,youtube iwm .


hadaba ka furo akoon social mediyaha , facebook,tiktok,youtube kadibna soo gali casharo iyo hwolaha aad qabatay wxay kaa saacideysaa inaad hesho dad cusub oo kugu xiran kuna taageersan .]

Gunaanad

isku day inaad maanta bilowdo kana bilowdo waxaad heysato , ha sugin wax la yiraahdo fiicnaan sida qalabka ugu fiican , waqti ugu fiican iwm , soo gudbi waadna ka gudbi doontaa i.a mahadsanidiin . 


guuleysta 

Maxamed Graphics