Ku noqo Graphic designer 2 bil gudahood 

Guud ahaan nolosha aadanaha waxay ku tiirsan tahay inaad lahaatid xirfad aaad dadkal kale dheer tahay taas oo kaa saacideysa inaad hormar ka sameyso hadey ahaato mid dhaqaale iyo mid shaqsiyadeed .

maanta oo ah maalinta ugu wanaagsan ee la baran karo xirfad cusub ma jirto marmarsiiyo qofka sameyn karo taas oo ku aadan inuu wax baran karin , sababtana waa cilmigii oo meel kasta yaala iyo waqtiga oo la helo karo . 

waxaan kuula wadaagayaa siyaabo aad si dhqaso ah ku baran karto GRAPHIC DESIGN weliba 2 bilood taaas oo kaa saacideysa inad noqoto qof xirfad cusub bartay .

kow: isweydii sababta

maanta way fududaahay inaad is hormariso laakiin wa inay jirtaa sabab ku jiideysa aad shidaal ahaan u isticmaasho , sababtaas waxay noqon kartaa inaad rabto inaad dhaqaale ahaan kobacdo, inaad noqoto qof isku filan , inaad hooyo shaqada ka neefido , iyo wixii la mid ah , marka isweydii sababta .

taas waxay kaa saacideysaa inaad horay usocoto aadna sii kobacdo xitaa hadii malmaha qaar nafta aysan rabin oo ay ka heynin maalintaas , ogowna 2 bil ayaad heysataa .

Labo: Raadso laptop ama mobile 

Xiligan la joogo waa muhiim inaad heysato laptop iyo mobile labaduba , sidoo kale aad taqaano sida ;loo isticmaalo waayo waxyaabaha aad rabto ayad ku qabsaneysaa .

mida xigta graphic design-ka waa barashada sawirida waxyaabaha gacmaha loo isticmaali jiray , ayadoo la adeegsanaayo computer .

komputerkaaga ayaad qaadaneysaa waxaadna xooga saareysaa inaad 2-daas bil meel iska soo saarto .

Seddex: Hal software xooga saar

Software-da graphic design-ka way badan yihiin dhamaanna ma lagu wada baran karo mudadaas runtii, laakiin waxaad awoodaa inaad hal software xooga saarto oo aad barato sida loo isticmlaao , waayo isku shaqo ayey qabtaanee .

isku day marka inaad halkaas software xooga saarto oo aad wax ka keento ogowna soomaalida waxay ku maahmaahaan '' wixii rag doono rabina aqbalo waa rumoowaan '' oo ka dhigan wixii aad doontid oo aad rabootid rag/dumar ba rabina aqbalo waa rumoowaan .

sofware-ka ugu fudud ayaan kula wadaagayaa : waa photoshop(laptop) iyo pixellab (mobile) .

Photoshop (laptop) :- photoshop waa software kaa caawinaya inaad ku hagaajiso sawirada, ku naqshadeyso poster-da , ku saxdo kalarada , iyo inaad waxyaabo kaloo badan waa fudud yahay , isku day inaad photoshop xooga saarto 2-daas bil sida loo isticmaalana barato , oo aad taf ku noqoto kadib waxaa kuu fududaanaya isticmaalka iyo barashada illustrator oo ah ka labaad ee lagu sameeyo logo-yinka, id card-da iyo flyer-da .

lakiin inaad fahanto illustrator waxaa kuu fududeyanaya photoshop tools-kiisa inaad taqaano kadib illustrator waa ku fududaanaa waayo illustrator waxaa kaaga horeeya tools-ka photoshop iyo kuwa yaroo lagu soo daray oo klaiya .

Qaado casharo free ah marka hore : isku day inaad qaadato cahsaro free ah marka hore markaad fahanto kadib qaado , casharo lacag ah , waa adoo fahmay casharadii free-ga ah kuna dadaal naftaada , ogowna 2-bil ayaad heysataa .

Afar: Waqti geli

waqtiga waa waxa ugu muhiimsan intaad ku jirtid hayaanka barashada xirfadaha ah . waayo ka soo qaad qibradeyda intan baranaayey illustrator 3 bil kaligeeda ayaan 16-18 saac hor fadhin jiray computerkayga - mashallah idhaha asxaabta- .

taasna waxay iga saaciday inaan 3 bil ku barto illustrator runtii waa tusaale cad adna waa sameyn kartaa maalintii 4-6 saac ku bilow marka xigta siyaadi si joogto ah ku wad waad sameyn doontaa inshallah .

Shan : Casharo isku xiran qaado 

Qaado casharo isku xiran oo aan ola jeedo qaado casharo playlist ah waxaadna ka heleysaa inaad si isku xigxiga u qaadato casharo taxane ah . 

ha isku dayin marnaba inaad casharo kala goys qaadato, qaado casharo hal macalin ku siinaya taas waxay kaa saacideysaa inaad fahanto mudo yar casharada oo dhan , oo aad ku soo baxdo mudo yar qof proffesioanl ku ah graphic design ka ah .


Gunaanad
Laba bil waxba maaha hada ayey imaaneysaa laakin noqo qofkii ka dhigi lahaa laba bil oo qiimo leh oo aad ku barato xirafadaan .

intaan ku jiray hayaanka barashadeeda wxaan ogaaday qof walbo inta uu ka barasho badan inuu ka fiican 100% , ku dadaal inaad barato oo aad qiimahaaga kor u qaado xirfadaada .

guud ahaan halkan ayaan kusoo gababeynayaa , horey u soco oo baro xirfadan ogowna 2 bil ayaad heysataa .

Faaladaada qeybta hoose iigu reeb mahadsanid