Noqo 1% dhalinyarta guulestay .

Dunidan casriga ah waxaa fudud inaad hormariso naftaada qaasatan xiliyada firaaqada heysid, taasina waxaa sabab u ah cilmiga oo la fududeeyay iyo waqti firaaqo fara badan oo dhalinyarada haayaan , waxaadna ka mid noqon kartaa 1% dhalinyarta guuleystay ee dunida dacladeeda kala jooga .

dadka waxay umaleeyaan si loo guuleeysto in loo baahan yahay soo jeed (dhafar), iyo in maanta oodhan wax la aqriyo , qibradeyda ayaan kuugulu wadaagayaa ee maanta bilow wadada guusha .

halkan waxaan kugula wadaagayaa 5 shay aad ku noqon kartid 1% ee dadaalay kadibna guuleystay.

Arinka koowaad (1) : Hami yeelo .
Raadi waxyaabaha aad ku fiican tahay ama waxyaabaha naftaada ay jeclaysaneyso markey qabaneyso , markaad soo heshid waxaad baartaa inaad baran karto , kedibna baro . 

naftaada ku ababi inay qaadato goaan ah inay baraneyso , tusaale waxaad aragtay inaad xiiseynayso ama aad la dhacsan tahay dadka sawirada sameeya ama muuqaalada edit-gareeya , kadib markaa soo baartay waxaad ogaatay inay graphic designers iyo video editors . 

kadib waxaa sameynaysaa inaad barashadeyda gashid , sidaasna aad ku noqoto sida ayaga iyo si ka fiican , taasi waxay kaa sacideysaa inaad noqoto qof noloshiisa wado cusub u furay . 

Arinka labaad (2) : Baro 
Barasho shay am xirfad cusub maanta waa ay sahlan tahay waxay kaaga baahan oo kaliya inaad wati iyo samir isku hesho .

hadii labadaba isku hesho oo aad tahay qof waqti haya samirna (dulqaad) leh , waxa tahay qof hormar badan 6-dii bil ba xirfad cusub ayaad baran kartaa waan kaa hubaa siiba hadaad tahay qof dhalinyaro ah .

Arinka seddexaad (3) : Waqti yeelo .
watiga waa hanti aasaasiga ee qofka bani aadamka , si aad waqti fiican oo aad ku soo saarto himiladaada u heshid  marka hore xisaabi inta waqti firaaqada tahay , taasi waxay kaa saacideysaa inaad ogaato waqtigaas waxaad ku buuxin karto tusaale : waxaad ogaatay galabkii shaqada kadib ama waxbarashada kadib inaadan howl kale laheyn oo aad asxaabtaada la ciayaarto waqtigaas waa firaaqo , naftaadina way u baahan tahay ee ka faaideyso , galabkii waxaa ku jirta 2 saac xirfad cusub ayaad ku baran kartaa .

xirfadaas ayaa noloshaada u horseedi karta hormar asxaabtaadana way kuugu farxi doonaan , marka hore bilaaw xitaa waalidkaaga kuu duceyn doonaa in badan maadaama aad noqotay qof faaido badan oo waqtigiisa in badan ka faaideysta , ku dadaal inaad naftaada anfacdo . 

Arinka affaraad(4) : Samirka .
Suaal ayaan ku weydiinaayaa , waxay tahay si dubo canjeelada maxaa loo baahan yahay ?
jawaabta waxay tahay : in dabka la shido , birtaabada la kululeeyo, kadib la dubo , sooma ahan gabdhaheena waxba lama ahan inay boqol xabo dubaan lakiin wiilasha qaar ma yaqaanaan , waxaan ola jeedaa hadalkeyga ku celcelinta badan ee shay si isku mid ah ayaa la yiraahdaa samir iyo dulqaad .

markaad si isku mid ah computerkaaga u shido si maalinle ah aad ka baraneyso xirfad cusub , laba bil kadib aad ku wado waad ku guuleysaneysaa waayo waad usoo samirtay waxaa tahay sida beeraleyda oo kale waxaadnna sugi doontaa inaad dhadhamiso mirahaaga macaan .

waa ogahay in mararka qaar ay nafta kahaneyso (dhibsaneyso) inaad kusoo celceliso , ku samir , ku qasab inay caadi u aragto kadib naftaada ayadaa jeclaan doonta , wayna kufarxi doontaa .

Arinka shanaad (5) : Masuul noqo .
Bini aadanka waxa uu wax ku qiimeeyaa qofka qof ahaantiisa oo aan ola jeedo si uu u hadlaayo, u soconaayo , u la labisnaayo , iyo sida uu ula dhaqmaayo dadka kale , ogow inaad u dhaqanto si masuul ah waxay kaa dhigeysaa qof ka hormarsan dadka kale waadna ku farxi doontaa markaad aragto in lagu soo dhaweysanaayo maadaama aad noqotay qof masuul ah .

qof walbana waa kaa heli doonaa , shirkadaha kaa heli doonaa, dadka caadiga kaa heli doonaa , xitaa gabdhaha ayaa jecel wiilasha masuulka ah ee naftooda hormariyey .

Gunaanad:-
ku dadaal inaad noqoto qof masuul ah , si aad u noqoto is weydii suaashan oo ah , markey timaado la dhaqanka bulshada midkey tahay intaan : 
1. qof hadalka ku fiican hadana caay badan 
2. qof qof hadal gaaban hadana asluub badan 
3. qof hadal badneyn hadana dhib badan .

jawaabta adiga ayaan kuu daayey , ee naftaada weydii , kadib waxaan kuu sheegi karaa inaad tahay qof masuul ah iyo qof weli dhalinyarta caadiga ah oo kale u nool . 

ugu dambeyn la sheekeyso naftaada , wax badan iska ogow aad ku fiican kadibna xooga saar kana miro dhaali inshaa allaah waad guuleysaneysaa . 

wasallma calleykum .

maxamed graphics 

fariintaada xaga commentiga nagu reeb , mahadsanid