Iska dawee Bariyeynta (Dib u dhigashada) .

dhalinyarada waa xudunta wadanka waana awooda bulshada, dhalinyarada waxay sameyaan howlaha ugu badan ee bulsho haday noqoto awood, maskax, hogaamin iyo wixii la mid ah lakiin kala duwanaanta qarniyada qarnigan 21aad dhalinyarada waxay yeesheen cuduro saameyntooda aan la dareemen ilaa leyska deeyo mooyee taasina waxaa ka marqaati ah qof walba iska daaya markii  uu ogaado.

qarniga 21aad waa qarni la mahdiyey waana qarni la iqtiraacay waxyaabo farabadan oo dunida ku cusub oo teknoolojiyada ugu horeeysa hadaba ma dhihi karno waa qarni xun hadana waxaa jira dad qarniga saameyn ku yeeshay oo noloshooda meel aan la fileyn dhigey tolow maka mid tahay isweydii. 

waxaan kula wadaagayaa cuduradan iyo waxyaabahan keena oo ay keentay fududeynta teknoolojiyada. 

cudurka koowaad : dib u dhigashada 

dib udhigashada waa arin taagan oo dhalinyarada dhayalsadeen ama fududeysteen waana waxa dhalinta qaar dhigay meesha taagan yihiin oo ah camal la'aan waxa uu sameynayaa qorshe waxa uuna oranayaa waan sameyn doonaa waxay ku qaadataa 1 sano inuu sameyimo kadib hal sani ayuu iska daayaa kadib ayuu ka shalaayaa, meeqo howlo isniri beri samee hadana sanad naka gartey, ogow sanad iney gaarto waxaa usabab ahaa adiga oo beriyeenta noloshaada bartay. 

noloshaada waxaad bartaa waxyaabo badan adigaana bari karaa waxyabo kale oo kuu wanaagsan hadaba noloshaada ka fikir sida aad uga deyn laheeyd bariyeneta waxaan ku siin doonaa sida aad iskaga deen doonto dhamadka qoraalka. 

cudurka labaad :  gaaroda waxa ku dhaafaya. 

ma ogtahay mobelka inuu yahay khatar laba afle, taasoo marna faaido kuu keena marna khasaaro kuu keena hadaba ma dareentaa markaad mobelkaaga ka maqan tahay inay naftaada ku leedahay waxbaa ku dhaafaya ee bak fiiri sida muqalo lasoo dhigay baraha bulshada, sawiro laguugu soo diray WhatsApp iyo wixii ma aragtaa inaad ku degdegeysid hadaba ogow waa moodida ama umaleynta inay wax ku dhaafayaan taasina waa muhiim inaad si degdeg ah wax ugu qabato hadaba iska gaar oo hada iska demi notifications ka oo off iska dheh kadib arag noloshaada waxaad arki doontaa inaad qof caadi ah kusoo noqotay oo kale oo dib u noolaatay runtii ka gaar noloshaada wax ka bedel maskaxdaada hada horeyna u soco. 

Daawada : wax walba xal ayey leeyihiin wax walba joogteyn ayey ka rabaan hadaba samee hal arin oo kaliya aad kaga taqalusi karto dib udhigashada waana inaad maanta bilowdo inaad wax qabato sameyso jadwal malinle ah tusaale so dagso appka to do list kadib ku qoro howl maalmeedkaaga kadib habeenkii tik saar hadaad sameydey taasi waxay kaa saacideysaa naftaada inay kala xisaabtabto waxyaabaha aad u dirsato haday kugu adkaato app buug iyo qalin qaado, qoro howl maalmeedkaaga oo tik saar habeenkii intaadan seexan kadib qor howl maalmeedkaaga beri intaad seexan sidoo kale taasi waxay kaa saacideysaa inaad noqoto qof habeysan oo nidaamsan yaqaana waxa uu qabanayo dibna isku xisaabi.

 Gunaanad :

naftaada adigaa yaqaana sida loo tarbiyeeyo qofna kaagama horeyn karo isku dey uminaad naftaada xooga sarto sida aad ku hormarin Karto maalin walba joogteysana howlahaaga maantana bilowdo. 
guuleysta dhamaantiin 

MAXAMED GRAPHICS