Masakaxdaada u samee qorshahaaga inay ku socoto.


sidaan wada ognahay bini aadam ka maskaxdiisa si isku mid ah u shaqeysaa, laakiin waxaa jiro waxyaabo dadka qaar dadka kale ay dheer yihiin waana waxa aan rabo inaan kula wadaago maanta, kuuna tilmaamo sida saxda ah usmaeysan laheyd maskax guuleysata.


marla hore masjaxda bini aadamka waxay u shaqeysaa si gaar ah oo ah inay keeydiso xogaha, qorsho dagto, howlo qabato, fariimo kuu soo dirto iyo kula taliso intaba.


maskaxda howlahaas iyo ka badan qabataa lakiin waxaa kala duwan dadka iyo sida atmy hogaanka ugu qabtaan maskaxdooda, tusaale waxaa jiro dhalinyaro badan oo balwada caado ka dhigtay, qaar socila mediyaha aan ka bixin oo la qabsaday iyo kuwa iska deyn karin xumaanta iyo daawashadooda, hadaba waxaa suaal ah markey fikrada maakaxdaada kuso dhacdo inaad qabato howlaha aan soo sheegnay awood ma ueledahay inaad tiraahdo may kadibna aad ka socoto jawaabta waa haa laakiin way kugu adag tahay maalmaha hore sooma ahan hadaba adkaanshaha waxaa keenay maskaxdaada oo la qabsatay, si aad iskaga deysid xumaantana waa inaad sameysaa waxyaabo kale si aad gebi ahaanba maskaxdaada u hilmaamto oo tirtirto.


HORMOONKA DOPAMINE :

qof walba oo nool waxaa jiro waxyaabo uu la qabsaday, tusaale waxaa kamid dhamaanteen waxaa la qabsanay inaan cunteeno maalin walbo oo iskama deyn karno ayado ay daruuri tahay hadana maskaxdeena ayaa ku seefan inaan cunteeno hadaba markaad cunteyneyso maskaxdaada waxay soo deyneysaa hormoonka dopamine oo ah hormoonka jaceylka iyo deganaanta, hormoonkaan waxaa la soo daayaa markaa wax aad ka hesho aragto ama wax jacleysato tusaale shahwada gogosha ragga iyo dumarka xalaasha isku ah narkay isku tagaan hormoonka ayey maskaxdaada soo deysaa waana sababta Cuntada aad u jeceshahay oo aad isks dhaafi karin waayo maskaxdaada ayaa la qabsatay.


hadaba waxaa jiro marar badan si khaldan maskaxdaada u shaqeyso oo ay si qaldan usoo deyso hormoonkaan, taasina waxaa usabab ah adiga oo maskaxda bartay inay muhiim tahay in lasoo daayo xiligan, taasina waxay sababtay inaad yeelato caadooyin xunxun oo maskaxdaada ku qasabtay inaad ka dhigto kuwa fiican lakiin ugu dambeyn ka shalaaysay, hadaba maxaa kula gudboon.


MAXAA KULA GUDBOON :

Sida aad maskaxdaada sida u shaqeyso u bedesho sameey laba arin oo kaliyaa kaa saacudaaya soo kabasho degdeg ah kuna dabaq noloshaada.


KOW : USAMEE MASKAXDAADA QORSHO CUSUB.

markaad goaansatay inaad bedesho maskaxdaada degso qorsho aad isku deysneyso caadooyinka xun xun marka hore sida daawshada filimaanta xunxun kaas oo ah inaad naftaada u qorsheyso oo aad qalin iyo warqad ku qorto 30 beri inaadan daawan, kaidbna 60 beri kadib maskaxdaada way ka dhaqmi doonaan xumaanta caadi ayaadna kusoo laaban doontaa sidoo caado kasta waad ku dabaqi kartaa.


LABA : IS MASHQUULI


intaad dhalinyaro tahay waxa heleysaa waxyaabo badan aadan helin doonin markaa weynaato oo aad da' noqoto waxaana ka mid ah waqtiga oo firaaqo badan ayaad heli doontaa, caafimaadka iyo wixii lamid ah qofka markuu dhergan yahay dhigiisa oo dhan ayaa kacsan waxaana ka suurtoodo waxyabo uusan sameeyen markuu baahan yahay hadaba isku day inaad ismashquuliso oo waqtigaada ka faaideysato, ugana faaideysato sida saxan, sida inaad wax barato, inaad jimicsi sameyso iyo inaad shaqeyso iyo inaad xili hore seexato. 


taasi waxay saacideysaa inaad waqtigaaga oo dhan ka ilaaliso maalaa yacni iyo inay keli dareento kaidbna xumaan ku fikirto, ku dabaq kuna dhaqaaq hada guul ayaan kuu rejeynayaa, guuleyso, mahadsanid. 


GUNAANAD : 

waqtigaaga ka faaideyso oo hada bilow waxyaabo kuu faaido ah kana shaqeysii maskaxdaada. 



Wxaa qoray : MAXAMED GRAPHICS