Mobile-kaaga waa cadowgaaaga koowaad ee kaa hortaagan inaad hormar sameyso .

Qof walba soo korey waxa uu arkay dadkoo u badan isticmaalka mobile-ka , wuuna la jaan qaaday laakiin mobile-ka nolosha aasaasiga ah ma yahay laga maarmaan sida biyaha oo kale oo hadii aad weydo ma dhimaneysaa jawaabtu waa may hadaba maxaa sababay qofka inuu waqti badan geliyo asagoo umaleeyo hadii uu mobile la aan noqdo ay noloshiisa ay noqoneyso mid cariiri ah qormadaaan ayaan kula wadaagayaa ee ila soco .


marka hore adiga wiil/gabar waxaan ku weydiinayaa hal maalin mobile la aan ma noolaan kartaa ? 
jawaabtaada commnet iigu reeb , istcicmaalka shay aad badsato waxay kaa dhigeysaa inaad qabatinto shay sida mobile-ka , sababtoo xadka looga talagalay ayaan maalin walba dhaafsiinaa taasina waxaa u sabab ah anagoo howlaheena iyo arimaheena kale oo dhan ku dhex qabano mobile-ka gudahiisa .

mudo ayaa laga joogaa markii qof walba qalin iyo buug u isticmaali jiray howlahiisa , qorshayashiisa iyo weliba arimaha noloshiisa ugu muhiimsan laakiin imika wax walba waxay noqdeen inaan mobilkeena ka dhex sameesan karno oo aan ku hormarin karno , hadaba dunidan hormartay ayaa qeyb ka ah isbedelka  hada socdo lakiin ogow waxaa barbar socda cuduro uu sababay mobile-ka iyo shaashadaha aan maalin walba isticmaalno .

si aad u aragto waxa socda bal fiiri filimka ''SOCIAL DILLEMA '' ee ay sameysay shirkada netflix oo ka hadlaaya kaliya hal saameen oo ah inaan khaanad ama sanduuq laheyn aan wax ku ridano oo wax walba banaanka yaaliin , sida sawiradaada ,codadkaaga ,muuqalaada iwm ayna taasi sababtay wax walba aad samy=eyso in laguula socdo , hadaba isweydii maxaa ila gudboon hadii arinka meesha maraayo oo cududro laga qaado shaashadaha sido kalena xogteeda meel kasto taalo .

MAXAA KULA GUDBOON ?

waxaa kula gudboon laba arin oo kaliya waana laba arin noloshaada wax badan ka saacidaaya sida inaad ahaato qof natural ah ama noloshiisa oo kaliya xooga saara , waxayna kala yihiin .

Arinka koowaad : isweydii maxaa kaa galay ? 

maanta qof walba mobile heystaa waxa u sameysan akoomo social mediya ah sida facebook youtube , tiktok iwm , hadaba ogow waxaa tahay dadka aad follow gareyso , isweydii dadka follow ii ah waa dad noocee ah haday kuusoo baxdo inay yhiin dad malaa yacni iyo wixii maanta dunida ka dhaca iyo arimo suuqeed ka hadla hadaba adiga maxaa kaa galay ? walaal isku dey inaad diirada saarto dadka anfaca kuu leh oo kaliya dadka kalena waa unfollow iska dhehdo .

Arinka labaad : Raac wadada guusha 

wadada guusha waa inaad noqoto qof u diyaarsan in uu guuleysto kadib follow gareey dadka manfaca kuu leh ee wax kuugu soo kordhinaya waayo ayaga ayaa wax kuu taraaaya , noloshaadana wax ayey ku soo kordhinayaan waadna ku farxi doontaa markaa bilowdo bilow hada wadada guusha .

Gunaanad 

Horey u soco noloshaadana diirada saar ha noqon qof iska caadi ah sida inaad wax walba daawato suuqa social mediyaha ka dhaca , kaliya diirada saar inaad  maskaxdaada dhisto kuna dhis dadka aqoonta leh adna waad dhismeysaa , guuleyso .



Maxamed Graphics